Taliyihii hore ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jaamac Yare oo geeriyooday

April 26 (Jowhar.com) -Taliyihii hore ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed Allaha u naxariistee Jaamac Maxamed Qaalib ayaa ku geeriyooday magaalada Jabuuti.

Jeneraal Jaamac yare ayaa u geeriyooday xanuun dhanka wadnaha ah, waxana uu dhawaanahan ka ahaa bare jaamacadeed Jaamacadda ummadda ee Muqdisho.

Jaamac Maxamed Qaalib ayaa sannadkii 1933-dii ku dhashay Deegaanka Dhoodi-gaban ee gobolka Sanaag. Wuxuuna booliiska ku biiray bishii April sannadkii 1955kii. Sannadihii 1956kii ilaa 1957kii, waxa uu tababarro ku qaatay Machadkii Tababarrada ee Sheekh, ka dibna waxa uu tababar kale u tagay Dugsigii Tababarka Booliiska ee Metropolitan Police, London.

Sarreeye-Gaas Jaamac Maxamed Qaalib ayaa noqday taliyahii ugu horreeyay ee Sirdoonka Jamhuuriyadda Soomaaliya intii u dhexeysay 1962.

Xilligii dowladii Siyaad Barre ayuu xilal kala duwan ka soo Allaha u naxarisitee General Jaamac Maxamed Qaalib waxaana ka mid ahaa isagoo noqday 1974-1976 Wasiirka Arrimaha Gudaha,1977-1978 waxa uu noqday Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,1978-1982 Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Miyiga,1982-1984 Wasiirka Gaadiidka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More