Rooble oo faray laamaha ammaanka in ay qaadaan tallaabo dheeri ah oo lagu sugayo ammaanka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Roble ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray hay’adaha amniga dalka, kadib falalkii argagixisadu xalay ka geysteen qeybo ka mid ah Muqdisho, isagoo faray hay’adaha amnigu in ay qaadaan tallaabooyin dheeri ah oo lagu xoojinayo amniga.

Waan ka xunahay wixii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, ra’iisul wasaaraha ayaa kulankan isugu yeeray,cadowga waxa ay isku dayayaan inay qalqal geliyaan amniga doorashooyinka.”ayuu yiri wasiirka Amniga Cabdulaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu warbixin ka dhagaystay madaxda amniga dalka isla markaana uu faray in wax laga bedelo adkeynta ammaanka.

Waxa uu ra’iisul wasaaruhu sheegay in isbedel muuqda ay shacabku dareemi doonaan inta lagu gudo jiro doorashooyinka iyo weliba bisha barakaysan ee Ramadan.

Kulankan ayaa imanaya xilli magaalada Muqdisho xalay laga dareemay cabsi xoog leh iyadoo saqdii dhexe xalay la maqlay rasaas iyo madaafiic qaar ka mid ah ay ku soo dhaceen degmooyin ka mid ah gobolka Banaadir.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More