Rooble;”Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ka shiri doona daahfur la’aanta doorashada”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in dhawaan madaxda Madasha Wadatashiga Qaran ay isugu iman doonaan kulan loogaga hadlo dardar gelinta doorashada iyo daahfrunaanta doorashada.

Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka go’aan tahay in la xaliyo cabashada ka timid doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka oo kuraas badan oo ka mid ah la boobay.

Khudbad uu ka jeediyay magaalada Jabuuti ayuu ku beeniyay Ra’iisul Wasaare Rooble in ay dhabarka ka soo taabteen dalal shisheeye oo uu booqasho ku tegey balse aamusnaantiisa ay ku timid culey ka saaran dhinacyada siyaasada dalka;

“Dadka waxay is weydiinayaan Ra’iisul Wasaaruhu muxuu la aamusan yahay waayadan, waddamada uu tagay miyaa dhabarka ka soo taabtay, wax kale lama aamusni, dherigii saddexda dhinac u dhaxeeyay ayaa ahay, haddii ay tahay Maamul Goboleedyada, Musharaxiinta iyo Madaxweynaha” ayuu yiri Rooble.

Hadalka ra’iisul wasaare Rooble ayaa ku soo beegmay xilli guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ay ansixiyeen kursiga uu muranka ka yimid ee uu agaasimaha kumeelgaarka ah ee hay’ada nabadsugida Yaasiin Farey ku guuleystey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More