Rooble;”Waxaan soo bandhigayaa qorshaha doorashoyinka iyo fulinta qorshaha Amniga Qaranka.”

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo goor dhow warbaahinta dowlada ka hadlay ayaa soo dhoweeyay sida loogu wareejiyay xukuumada uu madaxda ka yahay howlaha doorashooyinka iyo amniga doorashooyinka iyo weliba amniga guud ee qaranka.

Hadalka ra’iisul wasaaraha oo koobnaa ayaa hase aheetee taabanayay dhinacyo kala duwan isagoo u mahad celiyay Madaxweynaha.

“Waxaan u mahadcelinayaa madaxweynaha isagoo sameeyay tanaasul aad u weyn, u damqaday shacabka iyo qaranimada, isla markaana nagu soo warejiyay hoggaaminta howlaha doorashooyinka, amniga doorashooyinka iyo fulinta qorshaha guud ee amniga qaranka,”ayuu yiri Rooble.

“Golaha shacabka ayaan sidoo kale ugaga mahadcelinayaa sida ay u aqbaleen codsiga madaxweyaha oo ah in dib loogu laabto heshiiskii 17 sept ee doorashada.”ayuu sii raaciyay ra’iisul wasaaraha.

Isagoo ka hadlay howlaha horyaal xukuumada ayuu ra’iisul wasaaruhu cadeeyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu howlgali doonaan arrimaha doorashooyinka.

“Xukuumada waxa ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu howlgali doontaa una soo bandhigi doontaa qorshayaasha doorashooyinka iyo amniga doorashoyinka iyo fulinta qorshaha guud ee amniga qaranka.”ayuu yiri ra’isul wasaare Rooble

“Waxaa naga go’an in dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo daahfuran cidna aan xaqeeda la duudsin.”ayuu yiri ra’isul wasaraha oo ka hadlayay qaabka ay u dhici doonto doorashada.

Ra’isul Wasaaraha ayaa ka hadlay xiisada ka dhalatay muddo kororsiga ee saameynta ku yeelatay caasimada isagoo ku tilmaamay inay tahay nasiib darro.
Waxana uu ra’iisul wasaaruhu ugu baaqay dhamaan ciidamada ku sugan caasimada inay xeryahooda ku laabtaan mar hadii la xaliyay khilaafka doorashooyinka isla markaana uu magacaabi doono guddi ka soo talabixiyay arrimaha ciidamada.

“Dhamaan ciidamada qaranka geesiyada ah waa difaacayaashii qaranka mana laha mucaarad iyo muxaafid waxana aan farayaa inay xeryahoda ku laabtan kana fogaadaan inay ku milmaan arrimaha siyaasada, si loo xaliyo saameynta arrimaha siyaasada ku yeesheen ciidamada qaranka waxaan magacaabayaa guddi farsamo oo ka soo talo bixiya arrimahaas.”ayuu yiri Rooble.

Ra’isul Wasaaraha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta inay ka fogaadaan hadalada xanafta leh ee hurin kara. Waxana uu xusay in uu ku casuumayo madaxda dowlad goboleedyada inay ka soo qeybgalaan shir loogaga hadlo arrimah doorashooyinka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More