Turkiga oo soo dhoweeyay dib uga laabashada muddo kororsiga

Turkiga ayaa soo dhoweeyay go’aankii baarlamaanka Soomaaliya uu Sabtidii qaatay kaasoo dhigayay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dhacdo doorashada dalka Soomaaliya.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa lagu soo bandhigey mowqifka dowlada Turkiga ee arrimihii u dambeeyay ee dalka Soomaaliya.

“Waxaan soo dhaweyneynaa go’aanka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya uu maanta (1-da May) qaatay, kaasoo ayidsan yihiin in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorashada iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17-kii Sebtember,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Waxaan rajeyneynaa in horumarkan uu u adeegi doono sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadalada wax ku oolka ah ee daneeyayaasha siyaasada iyada oo aan dib loo dhigin lana hubiyo horumarka ku saleysan is afgaradka bulshada iyadoo laga gudbayo khilaafaadka,” ayaa lagu daray.

Wasaaradda ayaa sidoo kale carabka ku adkeysay in Ankara, ay marwalba garab taagantahay saaxiibtinimada iyo walaaltinimada dadka Soomaaliyeed ayna sii wadi doonto inay sii wado taageerada xoogan.

Wadamo badan oo caalamka ayaa soo dhoweyay ku wareejintii uu Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Farmaajo uu ku wareejiyay arrimaha doorashooyinka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo weliba dib uga laabashada muddo kordhinta labada sano.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More