Ruushka oo ka digey in faragelin Milatari lagu sameeyo dalka Niger

Aug. 11 (Jowhar.com)-Ruushka ayaa ka digay in faragelinta militari ee Niger ay horseedi doonto iska horimaad daba dheeraada kadib markii ururka Ecowas ee gobolka uu sheegay in uu ururin doono ciidamo heegan ah.

War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa lagu sheegay in faragelintan oo kale ay khalkhal galinayso guud ahaan gobolka Saaxil.

Ruushku si rasmi ah uma taageerin afgambiga hase yeeshee Mareykanka, oo taageeraya dadaallada lagu soo celinayo hoggaamiyihii xilka laga tuuray Mohamed Bazoum, ayaa sheegay in kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ay ka faa’iideysanayaan xasillooni darrada.

Qaar ka mid ah taageerayaasha afgambiga, oo lulaya calanka Ruushka, ayaa ku mudaaharaaday saldhig milatari oo Faransiisku ku leeyahay meel u dhow caasimadda Niamey.

Faransiiska iyo Mareykanka labaduba waxay saldhigyo ciidan ku leeyihiin Niger, waxaana loo adeegsadaa in laga qaado howlgallada ka dhanka ah kooxaha jihaad doonka ah ee gobolka Saaxil ku sugan.

Saraakiisha militariga ee ka socda wadamada Ecowas ayaa lagu soo waramayaa in lagu wado in ay kulmaan maalinta sabtida ah si ay u diyaariyaan qorshooyin faragalin militari ah.

Ururkan ayaa sheegay in ay u furan tahay in xal diblumaasiyadeed lagu xaliyo xiisadda. Balse Madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu ayaa yiri; “Ma jiro wax ikhtiyaar ah oo miiska laga saarayo, oo ay ku jirto in xoog loo adeegsado sidii ugu dambeyn”.

Mareykanka si cad uma uusan taageerin tilaabada militari balse waxa uu ugu baaqay ciidamada militariga in ay faraha kala baxaan oo ay ogolaadaan soo celinta dastuurka dimoqraadiga ah ee dalka. Militariga Niger ayaan ka jawaabin hadaladii u dambeeyay ee ka soo baxay madaxda Ecowas.

Dhanka kale waxaa isa soo taraya cabsida laga qabo caafimaadka iyo badqabka madaxweynihii la afgambiyay Mr Bazoum, oo gacanta lagu haayo tan iyo markii ay militariga la wareegeen talada 26-kii July.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in qoyska madaxweynihii hore ee Niger ay soo wajahday cuno yaraan,koronto la’aan iyo daryeel caafimaad la’aan.

“Wiilkeygu waa xanuunsan yahay, waxaa ku jira xaalad halis ah oo wadnaha ah, wuxuuna u baahan yahay inuu arko dhakhtar,” ayaa laga soo xigatay Mr Bazoum.

Kooxda u dooda xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in Mr Bazoum uu u sheegay todobaadkan in isaga iyo qoyskiisa loola dhaqmo si ka baxsan bini’aadantinimada iyo naxariista daran.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More