RW Xamse oo maanta codsi u diraya baarlamaanka kadib isbeddel ku yimid magacaabistii wasiirada.

July 25 (Jowhar.com)-Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh xaruntooda Villa Hargeysa, waxaana la filayaa inuu hortago ra’iisul wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre.

Sida wararku sheegayaan, Xamse Barre ayaa baarlamaanka ka dalbanayo iney ka aqbalaan 10 maalin oo dheeraad ah in loogu daro mudada dhismaha golihiisa wasiiradda, si uu u sii wado latashiyadda arrintaasi la xiriirta.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii maalin kahor ay xarunta Villa Soomaaliya shir ay albaabada u xirnaayeen ku yeesheen madaxweynaha, gudoomiyaha golaha shacabka iyo ra’iisul wasaare Xamse, iyadoo lagu go’aamiyay in baarlamaanka dib loogu laabto.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay safar ugu ambabaxay dalka Masar ayaa 15-ka bishii hore ee June xildhibaan Xamza Cabdi Barre oo ka tirsan xisbiga Madaxweynaha ee UPD, kana soo jeeda Jubaland u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Inkastoo aysan dastuuri aheyn in 30 cisho lagu soo dhiso xukuumadda, hadana waa sunno siyaasadeed oo Soomaalidu leedahay, waxayna maalmahaas Ra’iisul Wasaaraha u bilowdaan markii la ansixiyo, waana dhaqan soo jiray ilaa xornimadii Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More