RW Xamze oo daah furay imtixaanka lagu qaadanayo macalimiinta cusub ee wasaarada waxbarashada

Feb. 27 (Jowhar.com)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamze Cabdi Barre ayaa maanta daah-furka imtixaanka laga qaadayo Macallimiinta cusub ee ay qaadaneyso wasaaradda waxbarashada, iyadoo uu garab taagnaa wasiir Faarax Sheekh C/qaadir.

Imtixaankan waxaa u fariistay illaaa 8,000 oo Macallin, walow ay soo dallbadeen 13 Kun, iyadoo 5 Kun ay ku hareen heerka labaad ee kala reebista,11 magaallo ayaa imtixaanka manata lagu galay oo dalka ah.

Wasiirka Koowaad ee xukuumadda ayaa bogaadiyay howsha dib u eegusta waxbarashada dalka ee uu wado wasiir Faarax, isagoo raja wanaagsan ka muujiyay in macalimiin tayo sare leh ay usoo baxaan imtixaankan.

“Waa maalin ay farxad u tahay waxbarashada Soomaaliyeed, aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay, uguna mahadcelinayaa wasaaradda dagaalka saameysay ee ku aadan dib u eegista hannaanka waxbarashada dalka,’ ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sida qorshuhu yahay, wasaarada waxbarashada waxey shaqaaleysiineysaa 3 kun oo Macalin oo mushaaraadkooda uu bixinayo Bangiga Aadduunka, wuxuuna wasiir Faarax balanqaaday in imtixaanka si cadaalad ah loo qaadi doono.

Macluumaadka la helayo ayaa tilmaamaya in shaqaalahan ay mushaar ahaan u qaadan doonaan lacag dhan $600, iyadoo dadka doortay imtixaanka maamulkana ay qaadan doonaan lacag ku dhow Kun Doolar marka la raaciyo lacagaha gunada ah oo ay helayaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More