Senatarada Aqalka Sare oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Cunaqabataynta Maaliyaeed ee Cayiman

Feb. 04 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Senator Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiis 9-aad oo ajandihiisu ahaa, Akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka cunaqabataynta maaliyadeed ee cayiman.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad, Cabdullaahi cali Xersi (Timacadde) ayaa warbixin looga dhagaystey Wasiirka Maaliyadda Dr Cilmi Maxamuud.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS, Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xubnaha Sanatarrada Golaha Aqalka Sare u sharraxay muhiimiyadda hindise sharciyeedka cunaqabataynta maaliyadeed ee cayiman kaas oo ka soo gudbay Golaha Shacabka.

Dhinaca kale, Guddiga horumarinta adeegga Bulshada, arrimaha bani’aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka Aqalka Sare ayaa maanta Xafiiska Guddiga ugu yeeray Masuuliyiinta Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Senator Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle) ayaa wasiirka looga dhageystay warbixin ku saabsan qorshe howleedka wasaaradda, arrimaha shaqaalaha iyo shaqo abuurka, mashaariicda ay maamusho iyo sida ay wasaaraddu uga hirgeliso mashaariicda Dowlad Goboleedyada.

Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Biixi Imaan Cige oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cismaan Ibraahim Libaax, Wasiir Dowlaha Wasaraadda Yuusuf Maxamed Aadan iyo xubno kale oo la socday, ayaa guddiga faahfaahin ka siiyay howlaha shaqo ee Wasaaradda iyo dhammaan su’aalihii ay qabeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More