Shabaab badan oo lagu dilay duqeyn lala eegtay gaari ay qaraxyo ka buuxeen.

Oct. 24 (Jowhar.com) -Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay duqeyn lagu bartilmaameedsaday gaari ay ka buuxeen walxaga qarxa oo ay Shabaab ku diyaariyeen deegaan hoostaga Masjidka Cali Guduud ee Sh.Dhexe.

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta C/raxmaan Al-Cadaala oo suxufiyiinta shir jaraa’id u qabtay ayaa sheegay in duqeyn lagu burburiyay gaarigan oo noociisa uu ku sheegay Biijii, iyadoo qaraxa uu sameeyay gaariga marka gantaalka lala helay uu saameeyay dhul ka badan 1KM.

“Weerarka xalay dhacay waxaa lagu beegsaday gaari kale oo Biijii ah oo saarnaayeen walxa qarxaha oo aad u xoogganaa, waxaana qaraxiisa laga maqlay deegaano fog fog, isaga oo saameeyay in ka ka badan 1km dhul gaaraya” ayuu yiri Cadaala.

Wasiir Al-Cadaala ayaa tilmaamay in gaariga qarxay uu khasaare culus gaarsiiyay Shabaabkii aagaasi ku sugnaa, iyadoo dhimashada la arkay ay gaareyso 9 Shabaab ah oo dagaalyahano iyo saraakiil ah, walow khasaaraha uu intaasi ka sii badan karo, maadaama wajiyada shaqsiyaadka qaar la aqoonsan waayay kadib markii ay gubteen.

“Qaraxa wuxuu baabi’iyay dhammaan maleeshiyadii ka ag dhowaa, waxaana meydadkooda la aqoonsaday 9 kamid ah maleeshiyaadka khawaarijta iyo horjoogayaashooda halkaas ku sugnaa, iyadoo intooda badan la aqoonsan waayay maydadkooda maadaama ay aad u gubteen. ayuu hadalkiisa ku sii daray Cadaala.

Dowladda ayaa sheegtay in inkabadan 100 Shabaab ah lagu dilay dagaalada 48-dii saac ee ina dhaaftay ka socday deegaanka Masaajidka Cali Guduid, iyadoo degmada Aadan Yabaal la geeyay meydadka ilaa 33 Shabaab ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More