Wasiirka Qorsheynta oo soo bandhigay qorshaha deegaanada laga saaray Shabaab

Oct. 24 (Jowhar.com) -Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane. Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh (BeeneBeene) ayaa gudoomiyay shirkii saddexaad ee Guddiga Hagidda Qaran (GHQ) ee barnaamijka horrumarinta maxalliga iyo dhaqaalaha loo dhan yahay (ILED).

Wasiir Beene Beene oo faah-faahiyay qodobada looga hadlay shirkan ayaa soo bandhigay muhiimada ay leedahay in deegaanada laga saaray Shabaab laga hirgaliyo xarumo Caafimaad, mida maamulka iyo Saldhigga ciidanka, si adeegyada dowladda hoos loogu sii daadajiyo dadka.

“Maanta waxaan xoogga saarnay mashaariicda xasilinta (Stabilization Projects), madaama dalka uu dagaal ku jiro. Meelaha laga saaray kooxaha argagixisada, dadku waxey u baahan yihiin dib u dejin, sidoo kale goobahaasi waxey u baahanyahiin in loo dhiso xarumihii lagu deegaameyn lahaa sida xarunta maamulka, adeegyada caafimaadka iyo in la furo saldhigyada booliska” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mohamud Abdirahman Beenebeene oo ka hadlayay Mashruuca ILED ayaa raja wanaagsan ka muujiyay inuu mira dhal noqdo, iyadoo ay iskaashi la yeelanayaan maamul goboleedyada.

“Mashruuca ILED waxa uu bilaha soo socda uu awoodiisa isugu geeyn doonnaa in mashaariicda xasilinta laga mira-dhaliyo dowlad goboleedyada dalka, iyada oo la gaarsiinayo shacabka Soomaaliyeed ee aan helin adeegyada dowladda qeybaheeda kala duwan.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More