Shabaab oo xayiraad culus kusoo rogtay mid kamid ah shirkadaha isgaarsiinta dalka.

Dec. 27 (Jowhar.com)-Kooxda Al-Shabaab ayaa xayiraado kusoo rogtay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom, sidaas waxaa baahisay Idaacadda VOA.

Ilo lagu kalsoon yahay oo diiday in magacooda la sheego sababo dhinaca amniga ah ayaa u sheegay idaacadda VOA in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay joojiyeen dhaqdhaqaaqaas.

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ah tan ugu weyn shirkadaha isgaarsiinta ayaan ka hadlin arrintan.

Af-hayeenka ciidanka milateriga ee Soomaaliya Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cali Caanood ayaa dhowaan sheegay in Al-Shabaab ay magaalooyinka ka jaraan isgaarsiinta iyo biyaha marka ay kasoo baxayaan, hase yeeshee waxa uu sheegay in adeegyadaas markiiba dib loogu soo celiyo degaannadaas.

Mid ka mid ah khubarada Soomaaliya darista ayaa isna sheegay in Al-Shabaab ay diidayaan in isgaarsiintu ay gaarto degaannadii ay ka qabsadeen dawladda Soomaaliya iyo dadka degaankaas, taasina ay sabab u tahay inay xayiraan shaqaalaha iyo baabuurta shirkaddu inay u safraan degaannadaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More