Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

May 06 (Jowhar.com)–Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo ay weheliyaan guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim iyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa si wadajir ah ula kulmay gudigga isku dhafka ah ee qabanqaabada Doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Kulankan ayuu ugu horeyntii Sheekh Aadan Madoobe ugu hambalyeeyay gudigga hoggaanka ay iska dhex doorteen, waxaana uu ku dhiirageliyay in si sax ah loo dhaqan geliyo jadwalka doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxda ayaa kulankooda waxa ay si gaar ah uga hadleen amniga doorashada, waxayna hoosta ka xariiqeen in xil gaar ah la iska saaro adkeyta amniga doorashada madaxweynaha dalka oo loo balansan yahay 15-ka bishaan May.

Guddiga qabashada doorashada madaxweynaha Soomaaliya waxa ay soo saareen jadwalka rasmiga ah ee qabashada doorashada nadaxweynaha oo ay ku asteeyeen 15-ka bishaan May.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More