Dowladda Mareykanka oo war xasaasi ah ka soo saartay weerarkii Ceel-baraf

May 06 (Jowhar.com)–Dowladda Mareykanka ayaa si adag uga hadashay weerarkii kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday 3-dii bishan May saldhig ay ciidamada Burundi ku leeyihiin deegaanka Ceel-baraf ee gobolka Sh.Dhexe, halkaasoo uu ka dhacay dagaal khasaare badan sababay.

Qoraal uu soo saaray afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka Ned Price ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu tacsi u dirayo ciidanka dalka Burundi, isaga oo ka tacsiyadaynaya khasaarihii ka soo gaadhay weerarkii ka dhacay xerada Ceel-baraf ee ay geysteen ururka Al-Shabaab. Afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa sheegay in dalkiisu uu garab taagan yahay ciidanka Burundi.

Waxa uu sidoo kale sheegay iney laba jibaarayaan taageerada ay siiyeen ciidanka ATMIS ex AMISOM ee dalkan u jooga howgalma midowga Afrika ee lagula dagaalamayo kooxda Shabaab, waxeyna ku amaaneen dowladda Burindi sida geesinimada leh ee ugu niyadsan tahay jney shaqada sii wadaan.

Inkabadan 30 askari ayaa la sheegay in lagu dilay weerarka oo qaraxyo ku bilowday, halka 20 kale ay ku dhaawacmeen, sida uu shaaciyay sarkaal Burundi ah oo weerarka ka badbaaday, iyadoo xiliga weerarka ay xerada ku sugnaayeen 160 askari.

Balse kooxda Shabaab waxey sheegatay iney cagta marisay xerada gabi ahaan oo ay dishay 173 askari, iyagoo soo bandhigay sawirran ay ku muujinayeen jabka ay gaarsiiyeen ciidankii Burundi ee ku sugnaa goobta, waana weerarkii 2aad ee ugu dhimahsada badnaa marka laga yimaado kii 2016 ee lagu galay xerada ciidanka Kenya ee Ceel-cade

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More