Sheekh Shariif oo gaaray Nairobi lana kulmay Xasan Cali Kheyre

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa gaaray maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo labadii bil ee la soo dhaafay ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta oo ay qoyskiisa degan yihiin.

Waxana uu Shariif Sheekh durba ka bilaabay magaalada Nairobi kulamo uu la yeelanayo siyaasiyiinta ku sugan magaaladaas. Kulankiisii ugu horeeyay ayuu la yeeshay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo hore u sii joogay magaalada Nairobi.

Labada masuul oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ayaa waxaa kulankooda ku wehliyay Xildhibaano iyo xubno aad ugu dhow.

Kheyre ayaa la sheegay inuu uga garaabay Shariifka wixii tabasho ah oo dhankiisa uu ka qabay ama dhacdooyinkii Shariifka uu la kulmay intuu xilka hayay.

Ma jiro wax war ah oo ay ka soo saareen kulankooda balse wararka qaar ayaa sheegaya in laga wada hadlay arrimo la xiriira xaalada siyaasadda dalka iyo doorashooyinka.

Waxyaabaha ay ku heshiiyeen ayaa la sheegay iney ka mid tahay wada shaqeyn iyo in si dhow la isaga war-qabo, iyadoo Ilo ku dhow kulanka ay sheegayaan in lagu balamay kulamo kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More