Shirka daah-furka warbixin muuqaaleedka dhaqaalaha dalka oo Muqdisho ka furmay

Mar. 28 (Jowhar.com)-Wasaaradda Qorsheynta ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furtay shirka warbixin muuqaaleedka dhaqaalaha dalka.
Kulanka ayaa waxaa ka qayb galaya Wasiirro ka tirsan golaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada, jilayaasha aan dowliga aheyn iyo saaxiibbada caalamiga ah.

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene oo kulankan daah furay ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay shaacinta warbixinta dhaqaalaha dalka.

“Waxaa farxad weyn noo aheyd in markii ugu horeysay maanta aan shaacinno Warbixin Muuqaaledka Dhaqaalaha Dalka, taas oo ka tarjumeysa Muuqaalka Dhaqaalaha Soomaaliya, isla markaana faahfaahinaysa waxqabadka tilmaamayaasha dhaqaalaha guud, horumarrada dhaqaale ee u dambeeyay, siyaasadda dhaqaalaha guud, siyaasadda deymaha, maamulka maaliyadda iyo dhaqaalaha iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo saadaasha.”ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta Beene Beene.

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta ayaa sidoo kale kulankan ka sheegay in si kor loogu qaado awoodda ay Wasaaraddu u leedahay in ay soo saarto warbixinno dhaqaale oo noocan oo kale ah, isla markaana loo horumariyo hababka ku saleysan kobaca dhaqaalaha iyo horumarka, waxaan ka codsanaynaa bah-wadaagtayada horumarineed in ay wadashaqeyn dhow la yeeshaan Wasaaradda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More