Turkiga oo gaadiid dagaal ugu deeqay dowladda Soomaaliya

Mar. 28 (Jowhar.com)-Dowladda Turkiga ayaa gaadiid dagaal oo badan ugu deeqday Soomaaliya, iyadoo ku wareejisay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Gaadiidkan waxey si gaar ah ugu deeqeen ciidamadda Gorgro oo ah kuwo uu Turkiga si gaar ah u tabbaaro.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in deeqdan ay kusoo beegantay waqtigii dowladda ay ugu baahida badneyd, maadaama la isu diyaarinayo wajiga labaad ee dagaalka Shabaab.

“Gaadiidkaan oo loogu tala galey in lagu tayeeyo Ciidamada Xooga gaar ahaan GorGor, ayaa waxay keenistooda ku soo aadey wakhti Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda ay dagaal kula jiraan Khawaarijta Shabaab” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Wasiir Jaamac oo dhawaan sheegay inuu bilaabanayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Shabaab ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay kaalinta dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Waxaan u mahad celinaayaa Shacabka iyo Dowlada Turkiga oo hiil iyo hooba la garab taagan xaalad kasta walaalahooda Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More