Shirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo todobaadkan ka dhacaya….

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in todobaadkan uu Muqdisho ka dhacayo shirkii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Shirkan oo baaqday 1-dii bishan markii ku dhawaaqay Madaxweynah waqtigiisa dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana uu ahaa shirkii 3aad uu iclaamiyay kaddib 8 February oo qabsoomi waayo.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaare Rooble uu diyaar u yahay inuu dib u bilaabo wada hadaladii isaga iyo Midowga Musharaxiinta, kaasoo burburay Khamiistii.

“Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu mar kasta diyaar yahay sii waddida wadahadalladii uu la lahaa Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya si guud iyo si gaar gaar ahba ,si loo gaaro hishiis iyo is afgarad ,dalkuna uu doorasho u aado”ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa in kama dambeys ay Muqdisho yimaadaan Arbacada, iyadoo la filayo inay degaan garoonka diyaaradaha.

Beesha Caalamka ayaa ku cadaadinaya dhinacyada siyaasadda inay xal gaaraan si loo fuliyo heshiiskii 17 September.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More