Shirkii 3aad ee Guddiga Hagidda Qaran ee Barnaamijyada ILED oo Muqdisho lagu qabtay

Oct. 20 (Jowhar.com) – Federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa maanta si wadajir ah u qabtay shirkii saddexaad ee Guddiga Hagidda Qaran (GHQ) ee barnaamijka horrumarinta maxalliga iyo dhaqaalaha loo dhan yahay (ILED).

Kulankan ayaa waxaa si wadajir ah u shir guddoominaayay, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane. Mohamud A. Sheikh Farah (BeeneBeene) iyo Madaxa Iskaashiga Horumarinta Midowga Yurub, Mudane Dorian Kivumbi, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen dhammaan Wasiirada Qorsheynta Dowlad Goboleedyada, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorsheynta Mudane Asad Yusuf Qanyare, Madaxa Xafiiska NAO-Somaalya Mudane Maxamed Daahir Faarax iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Wasaaradaha Qorsheynta iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Barnaamijka ILED oo ka kooban qeybo kala gadisn ayaa looga gol-leeyahay inuu sare-u-qaado horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya iyada oo lagu taageerayo dowladnimada heer degmo ilaa heer tuulo. Sidoo kale waxa uu barnaamijkan kor u qaadayaa, fursadaha dhaqaalle ee loo dhanyahay, wuxuuna ilaalinayaa kuwa aadka u nugul, isagoo ku saleysan barnaamijyada hor-tabinta leh ee Midowga Yurub caawiso DFS.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More