Sirdoonka Itoobiya oo gacanta dhigay xubno Shabaab ah oo weerar qorsheynayay

April 24 (Jowhar.com) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Itoobiya (NISS) ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay 34 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

War kasoo baxay dowladda Itoobiya oo lagu faahfaahinayay howlgalkan waxaa lagu sheegay in xubnaha la soo qabtay ay qorsheynayeen in weerar argagixiso ay ka fuliyaan gudaha dalkaasi, kuwaasoo lagu beegsan rabay mas’uuliyiin dowladeed iyo dad shacab ah.

ENA oo ah warbaahinta ku hadasha Afka dowladda, ayaa ku warantay iyadoo soo xiganeysa bayaan ka soo baxay NISS, in Xubnaha Alshabab ay “diyaar gareeyeen inay weerarro argagaxiso ka geystaan ​​Addis Ababa iyo meelo kala duwan oo dalka ah” Howlgalka lagu soo qab qabtay dadkan ayaa waxaa iska kaashaday deegaanada Soomaalida iyo Oromada ee dalka Itoobiya.

“Kooxda argagixisadu waxa ay rabtay in ay ka faa’iidaysato munaasibadaha ciidaha si ay u fuliyaan qorshayaal ay ku beegsanayaan xarumaha magaalooyinka oo ay ku jirto Addis Ababa, ee gobollada Oromada iyo Soomaalida” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Sirdoonka Itoobiya.

10 ka mid ah dadka la xiray ayaa laga soo kala qabtay Galbeedka iyo Bariga Arsi, Galbeedka Bale iyi Bariga Bale, Bariga Shoa, Galbeedka iyo Bariga Hararge ee dawlad deegaanka Oromada, halka 24ka soo harayna lagu xiray Afdheer, Doolo, Goday, Jijiga iyo Shebeele oo ka tirsan gobolka Soomaalida.

Si kastaba, Waxaa jiray isku dayo soo noqnoqda oo kooxda Al-Shabaab ay ku doonaysay inay qorshayaal argagaxiso ka fuliso Itoobiya balse midna ma guulaysan ilaa hadda, sida dowladda Itoobiya ay shaacisay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More