Doorashada Kursiga HOP009 oo maanta ka dhacday magaalada Jowhar

April 24 (Jowhar.com) – Doorashada kursiga HOP 009 oo ka dhacday maanta magaalada Jowhar ayaa waxa ku guuleystey Cali Xasan Ibraahim (Cali Gaab) isaga ka guuleystey xildhibaankii shantii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay kursigaa Sheekh Cabdirsitaar Cabdsalaan Sh.Xasan Barsane.

Xildhibaan Cali Gaab oo ah nin ganacsade ah ayaa waxa uu helay codad gaaray 67 cod halka Cabdisitaar uu ka helay 33 cod waxaana halaabay hal cod.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More