Somali Sudanese Specialized Hospital oo Markii Afaraad noqday Isbitaalka ugu fiican

Oct 11 (Jowhar.com)- Isbitaalka Takhasusiga ee Somali Sudanese ayaa markii afaraad ku guuleystay abaalmarinta isbtaalka ugu fiican.

Codeeyn socotay muddo 2 bil ah oo aay Somali Bussiness Award ka aruurisay Bulshada Somaliyeed laguna qiimeeynaayey Isbitaalka ugu fiican, ayey Bulshadu ugu aqoonsadeen isbitaalka Somali Sudanese Isbitaalka ugu weyn uguna fiican Isbitaalada gaarka loo leeyhay.

Waxyaabaha intii Codeeyntu socotay lagu qiimeynaayey Isbitaalada waxaa kamid ahaa
1.Tayada adeega Isbitaalka
2.Dhaqaatiirta iyo Takhasusaadka ka hoowl gala
3.Qalabka caafimaadka
4: Soo buuxinta Sharuucda Cafimaadka

Munaasabad lagu bixinayay abaalgudka Goobta Caafimaad ee ugu weyn uguna fiican Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa lagu qiimeeyay xarumo caafimaad oo kala duwan oo ka howlgalla Gobolka Banaadir.

Munaasabadda Abaalgudka Somali Bussiness Award ayaa waxaa lagu qabtay Hotel Africk, iyadoona lagu abaal mariyay dhammaan qaybaha kala duwan ee Ganacsiga Somaliyeed.

Ma ahan markii ugu horreysay ee isbitaalka Somali Sudanese uu ku guuleysto abaalmarintaan. Sidoo kale isbitaalka Somali Sudanese wuxuu ku guuleystay Abaalmarintaan oo kale saddex jeer oo hore sida Mogadishu Health Awards, sannadka 2020, Somali Health Awards sannadka 2021, iyo Somali Night Award sannadka 2022

Isbitaalka Somali Sudanese oo Bulshadu uga baratay Adeeg Tayeeysan iyo Dhaqaatiir Takhasusi ah waxaa ka hawlgala 125 dhaqtar oo 40 ka mid ah ay yihiin dhaqaatiir takhasusi ah oo aqoon xeel-dheer iyo waaya-aragnimo u leh dawaynta iyo qalliimada cudurada kala duwan.

Waxayna dhaqaatiirtaas isugu jiraan, Dhaqtarka
Cudurada Guud,
Qalliimada guud,
Dhaqtarka Lafaha,
Dhatarka maqaarka,
Dhaqtarka Beerka iyo uur kujirta (gastroenterology),
Dhaqtarka wadnaha (Gardiology),
Dhaqtarka Cunaha, dhagaha, & Sanka (ENT),
Dhaqtar haweenka,
Dhaqtarka Killiyaha iyo kaadimareenka (Urology).
Dhaqtarka Indhaha
Dhaqtarka Qaliimada Maqaarka iyo Qurxinta ( Pastic and Reconstructive )
Surgery
Dhaqtarka Xidida iyo Halboowlayasha (Vascular Surgery)
Dhaqtarka Lafaha iyo Dhaawacyada Ciyaaraha

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More