Somaliland oo la wareegtay degmo ay Puntland ka qaban rabtay doorasho qof iyo cod ah.

Oct. 31 (Jowhar.com) -Ciidamadda Somaliland ayaa la wareegay degmada Boocame ee gobolka Sool, kadib markii ay la soo galeen ciidamo milatari ah oo aad u fara badan.

Sida wararku sheegayaan, degmada Boocame ayaa eheyd magaalada ugu weyn ee Puntland ay gacanta kaga haysay gobolka Sool, sida ay ku soo warramayaan weriyaasha degmadaasi.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in guutooyin ka tirsan millateriga Somaliland uu galay magaalada; iyada oo ciidamadii Puntland ay meelo aan ka fogayn magaalada fariisimo ay ka samaysteen.

Si kastaba, Boocame ayaa kamid eheyd meelaha tirada yar ee gobolka Sool ee Puntland u qorshaysay in ay ka qabato doorashooyinka qof iyo cod, balse lama oga sida uu xaalka noqon doono.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More