Soomaaliya oo diiday sameynta guddi baara tacadiyada ka dhacay gudaha dalka Itoobiya

13 wadan oo Afrikaan ah ayaa noqday kuwo diida ama ka aamusa xeer ay soo diyaariyeen Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo lagu ansixiyay in 3 xubnood loo xilsaaro baaritaanada xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka dhacay dalka Itoobiya.

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa amar ku bixiyay in baaritaan caalami ah lagu sameeyo xad-gudubyadii ka dhacay dalka Itoobiya intii ay colaaddu socotay, xadgudubyadaas oo ay sheegeen in ay noqon karaan dambiyo dagaal.

Dalalka Soomaaliya, Eritrea, Ivory Coast, Cameroon, Namibia iyo Gabon ayaa ka mid ah dalalka diiday qaraarkaan lagu baarayo tacadiyada ka dhacay Itoobiya.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa 2018kii heshiis saddex geesood ahaa la galay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed, iyagoo sameystay xulufo ka dhan ah danahooda, wallow isbaheysigaas uu noqday mid aan sii shaqeyn, maadaama Farmaajo culeys ka soo wajahaya doorashada, halka Abiye isaguna dagaalo sanad ka badan socday uu dalkiisa lugaha la galay.

Hay’adaha gargaarku waxay sheegeen colaadda Itoobiya iney sii hurineyso masiibooyinka bani-aadaminimo isla-markaana bariga Afrika ay xasilooni darro ka abuureyso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More