Soomaaliya oo kala hadashay hay’ada USAID Sidii loogu bedeli lahaa deeqaha dhinaca Horumarinta

Nov 19 (Jowhar.com)-Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa maanta kulan la yeeshay Agaasimaha xafiiska Soomaaliya ee Hay’adda Maraykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah (USAID), Sheri Nouane Duncan-Jones.

Kulanka ayaa waxaa saldhig u ahaa xoojinta wadashaqeynta Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda USAID xafiiskeeda Soomaaliya.

Sidoo kale labada dhinac ka wada hadlay sidii looga guuri lahaa deeqaha gargaarka, xoogana la saaro dhinaca horumarinta iyo xalka waara, in la iska kaashado horumarinta dhaqalaaha ka dib xiliga dayn cafinta iyo in Hay’adda USAID ay isticmaasho nidaamka dalka ee fulinta barnaamijyadda iyo mashaariicda.

Wasiir Beenebeene ayaa uga mahadceliyay Hay’adda USAID taageerada ay siiso Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More