Xuutiyiinta Yemen oo ku qabsaday Badda Cas Markab laga leeyahay Israa’iil

Nov 19 (Jowhar.com)-Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay la wareegeen markab ay Israa’iil leedahay oo ku sugan koonfurta badda cas, kadib markii ay ku weerartay diyaarad helikabtar ah.

Afhayeen u hadlay ciidamada Xuutiyiinta ayaa xaqiijiyay in dagaalyahanadooda ay afduubteen markabka xamuulka oo ay saarnaayeen illaa iyo 22 ruux.

Markabkan ayaa la sheegay in qayb uu leeyahay ganacsade Israa’iili ah waxaana uu ka yimid Turkiga kuna sii jeeday Hindiya.

“Waxaan ula dhaqmaynaa shaqaalaha si waafaqsan qawaaniinta Islaamka iyo mabaadi’da,” ayuu yiri afhayeenka milateriga Yemen Yahya Saree.

Waxa uu soo cusboonaysiiyay afhayeenka digniinta ah in markab kasta oo ay leeyihiin Israa’iil ama kuwa taageera ay si sharci ah u beegsan doonaan xoogagga Xuutiyiinta.

“Waxaan xaqiijineynaa sii wadida howlgalladayada militari ee ka dhanka ah Israa’iil ilaa ay ka joogsanayaan gardarada iyo dambiyada foosha xun ee ka dhanka ah walaalaheen Falastiiniyiinta ee Gaza iyo Daanta Galbeed,” ayuu yiri Saree.

Xuutiyiinta oo taageero ka helaya Tehran ayaa dhowr weerar oo gantaalo ah iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ku qaaday Israa’iil tan iyo weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday marinka Gaza halkaas oo lagu dilay in ka badan 12,300 oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 5,000 oo carruur ah.

Dhinaca kale Labo sarkaal oo ka tirsan difaaca Mareykanka ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in Xuutiyiinta ay ku soo dul degeen markabka xamuulka ah iyagoo isticmaalaya diyaarad helikobter ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More