SSC oo dagaal kula wareegtay deegaanka Maraaga, maxaabiisna qabsatay

Aug 25 (Jowhar.com)-Kadib dagaal bilowday abaaro shantii iyo labaatan daqiiqo ee saaka, ayaa wararka na soo gaaraya waxay sheegayaan, in dhinaca SSC ay la wareegeen Maraaga, oo ah halkii ay ku dagaalamayeen ciidamada Somaliland iyo dhinaca SSC.

Xogtaas waxaa warbaahinta u xaqiijiyay, Cabdiqaadir Abshir Xaaji Cali, oo kamid ah 45-ka xubnood ee hogaanka SSC.

Maraaga waa bar kantorool oo muhim ah oo ku taala wadada laamiga ah ee isku xirta Laascaanood iyo Garoowe.

Aagaas waxaa gacanta ku heyn jirtay Somaliland, waxayna magaalada laascaanood u jirtaa 8 kilomitir.

Dhanka kale, waxaa la soo sheegayaa in labada dhinac ay haatan ku dagaalamayaan agagaarka xerada Goojacadde.

SSC ayaa gacanta ku dhigtay maxaabiis iyo gaadiid dagaal oo laga qabsaday dhinaca Somaliland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More