Taliyaha ciidamada Sudan oo magacaabay golaha sare ee maamulka cusub

Taliyaha ciidamada dalka Sudan General Abdel Fattah al-Burhan oo hogaaminayay afgambi bishii hore xilka looga tuuray dowladii kumeel gaarka ahayd ayaa soo saaray go’aan uu ku dhisayo gole cusub oo dowladeed.

Telefiishanka dawladda ayaa Khamiistii sheegay in al-Burhaan uu sii ahaan doono madaxa golaha, halka Maxamed Xamdaan Dagalo, oo ah hoggaamiyaha ciidammada degdegga ah ee laga cabsado ee loo yaqaan Hemeti uu sii hayn doono booskiisa ku-xigeenka.

Arrintan ayaa timid in ka badan laba toddobaad ka dib markii ay ciidamadu kala direen golaha wasiirada rayidka ah ee uu hogaaminayey Ra’iisul Wasaare Abdalla Hamdok, taas oo ay si degdeg ah u cambaareeyeen beesha caalamka.

Golahan ayaa la dhisay sanadkii 2019-kii, isagoo qeyb ka ahaa heshiis awood qeybsi ah oo dhexmaray xubnaha ciidamada iyo dadka rayidka ah, iyadoo howshoodu ay ahayd in Sudan ay u gudubto dimuqraadiyad ka dib markii xukunka laga tuuray Cumar Al-Bashiir oo muddo dheer xukumayay dalkaas, kaddib kacdoonkii shacabka.

Goluhu waxa uu ahaa madaxa guud ee dalka, isaga oo garab socda xukuumadda Hamdok oo maamusha arrimaha maalinlaha ah ee Suudaan. Al-Burhaan iyo Dagalo ayaa lagu waday in ay xilka ku wareejiyaan qof rayid ah bilaha soo socda.

Golaha cusub ayaa isugu jira taliyayaal ciidan, madax hore oo fallaago ah iyo xubno cusub oo rayid ah. Wakiil ka socda gobolka bariga Sudan ayaa ku biiri doona golaha kadib wadatashiyo siyaasadeed, sida uu sheegay telefishinka qaranka.

Ku dhawaaqistan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay socdaan dadaallo heer qaran iyo heer caalami ah oo lagu doonayo in lagu xalliyo qalalaasaha ka dhashay afgambigaas, kaasoo dhaliyay dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeeday Dimuqraadiyadda, taasoo keentay in Qaramada Midoobay, dalalka reer galbeedka iyo dalalka Khaliijka ay ku baaqaan in dib loo soo celiyo dowladii ay hoggaaminayeen shacabka.

Tan iyo markii uu dhacay afgambigii 25-kii October, in ka badan 100 qof oo isugu jira mas’uuliyiin dowladeed iyo hoggaamiyeyaal siyaasadeed, oo ay wehliyaan dad aad u tiro badan oo isugu jiray dibadbaxayaal iyo dad u dhaqdhaqaaqa, ayaa la xiray. Ciidanka ayaa sidoo kale Xamdook ka dhigay xabsi guri.

Ugu yaraan 14 ka mid ah dibadbaxayaasha afgambiga ka soo horjeeda ayaa la dilay sababo la xiriira awood xad dhaaf ah oo ay adeegsadeen ciidamada ammaanka ee dalkaas, sida ay sheegeen dhakhaatiirta Suudaan iyo Qaramada Midoobay. Al-Burhaan ayaa beeniyay in ciidanku ay mas’uul ka ahaayeen dhimashada dibadbaxayaasha.

Al-Burhaan oo wareysi siiyay Al-jazeera ayaa sheegay inay ka go’an tahay inuu xukunka ku wareejiyo dowlad rayid ah, isagoo ballan-qaaday inaysan ka qayb-qaadan doonin dowlad kasta oo timaada xilliga KMG ah kaddib.

Laakin Ururka Xirfadlayaasha Suudaan (SPA), oo ah koox caan ah oo u ololeysa Dimuqraadiyadda, isla markaana gacan weyn ka geysatay kacdoonkii shacabka ee 2019, ayaa horraantii toddobaadkan hor kacayay laba maalmood oo kacdoon shacab iyo olole shaqo joojin ah, waxayna ballan qaadeen inay sii wadi doonaan dibadbaxyada ilaa laga dhisayo dowlad rayid ah.

Burhaan ayaa sheegay in uusan ka mid ahaan doonin dowladda Suudaan kadib kala guurka
Hogaamiyihii afgambiga Suudaan General Abdel Fattah al-Burhan ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in uu xukunka ku wareejiyo hogaan rayid ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More