Taliyaha ciidamada Xoogga Dalka General Odowaa oo booqanaya Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage ayaa gaarey Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, si uu u kormeero xili uu jiro dhaq-dhaqaaq ciidamada qalabka sida ay ku sugayaan amaanka guud ee Galmudug, isla markaana ay hore u socdeen howlgalo argagaxisada ka dhan ahaa.

Taliye odawaa oo ay wehliyeen Saraakiisha ciidan xoogga ayaa la filayaa in uu la kulmo Madaxwaynaha Galmudug iyo saraakiisha talisyada kala duwan ee ku sugan Caasimada.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage oo todobaadkii hore tagay magaalada Kismaayo ayaa bilaabay kormeyrka goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Militariga Soomaaliya.

Ilo ku dhaw Safarka Taliye Odowaa ayaa sheegay in safarkiisa Dhuusamareeb kaddib in uu tagayo magaalada Jowhar xarunta DG Hir-Shabeelle si uu u qiimeeyo xaaladda Ciidamada Xoogga Dalka iyo goobaha ay joogaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More