Taliyaha qeybta 27aad oo beeniyay in xilka qaadis lagu sameeyay

Mar 22 (Jowhar.com) –Taliyaha qeybta 27aad General Axmed Maxamed Calasow ”Treedishe” oo la hadlayay saraakiil ka tirsan ciidamada Qeybta ayaa ka hadlay warar sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyay.

General Treedishe oo kula hadlayay gelinkii dambe ee shalay magaalada Buuloburte ciidamo ka tirsan qeybta 27aad ayaa sheegay inaysan jirin wax dukuminti rasmi ah oo xilka looga qaadayo oo soo gaaray balse ay jiraan warar suuqa la soo geliyay.

Waxa uu General Treedishe eedeeyay wararka suuqa la soo geliyay inay ka dambeeyaan mucaaradka dowlada,xildhibaano xilkooda waayay iyo dad doonaya inay awood qeybsiga hirshabelle ku dabaraan.

Waxa uu Generalku xusay inay jiraan dad doonaya in ay burburiyaan qeybta 27aad oo uu u tilmaamay inay tahay qeybta kaliya ee ka howlgasha dalka ayna leedahay talis iyo saraakiil iyo ciidamo kala dambeeya.

General Treedisha ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in xilka wareejiyaan haddii si sharci ah loo soo maro balse ay tabanayaan cadaalad darro.

“Toddobo sano ayaan duurka ku jirney cadaalad daro ayaan tabanaynaa mana jirto in wax shuruud ah ay ku xirayaan haddii si sharci ah ku timaado bedelka cid sharciyad wadatana ay ku wareejinayaan.”ayuu yiri General Tareedisho.

Taliyaha qeybta 27aad General Treedishe ayaa sheegay inuu taageersan yahay dowlada ayna soo gaarin weli wax dukuminti ah oo qeexaya in xilka laga qaaday haddii ay soo gaartana uu wareejinayo xilka uu hayo.

“Annaga uma baahnin hantida qaranka,mushaarkeena ayaan ku bixinaa,balse dad jooga Muqdisho gaar ahaan qeybta 12April inay qasriyo hantidii ciidanka ku dhistaan oo ay ku digtaan ciidan 7 sano keynta ugu jiray difaaca dalka aan ka yeeli doonin.”ayuu yiri General Tredishe.

Taliyaha qeybta 27aad ayaa sheegay in ay jirto siyaasad lagu doonayo in lagu baabi’iyo taliska qeybta 27aad.

“Ma aha in xilalkii reer Hiiraan ku doodayeen mid ka mid ah in lagu baabi’yo taliska ciidanka qeybta 27aad si loo keeno nin reer Hiiraan oo uu ku badbaado taliyaha ciidamada booliska Hirshabelle,”ayuu yiri General Treedishe.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in xilka laga qaaday taliyaha qeybta 27aad iyo abaanduulaha ciidamada qeybta 27aad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More