Taliye ku xigeenkii qeybta guud ee gobolka Banaadir oo geeriyooday

Taliye ku-xigeenkii qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Axmed Cabdi Wehliye ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ismiidaamin ah dhawaan ka dhacay Saldhiga Booliska degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Taliska ciidamada booliska soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in Taliye Axmed Wehliye uu caawa u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu weeraray saldhigga booliska degmada Waaberi.

Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee lagu weeraray Saldhiga Booliska Waaberi ayaa waxaa lagu dilay Taliyihii Booliska degmadaas Axmed Cabdullaahi Baashane, Taliye ku-xigeenkii qeybta weliyow Cadde G/Dhexe Cabdi Baasid Maxamuud, Askar Boolis iyo dad shacab ahaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More