Tirada Israaiiliyiinta ee lagu diley weerarka Xamaas oo kor u dhaaftay lix boqol

Oct 08 (Jowhar.com)-In ka badan 600 oo Israa’iiliyiin ah ayaa la dilay tan iyo markii shalay weerar ay ku qaadeen dagaalyahanada Xamaas deegaanada ay xoogga ku haystaan Israaiil halka dad kabadan labo kun oo ruux oo Israa’iiliyiin ah ay dhaawacmeen.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Maamulka Israaiil dad kabadan boqol ruux oo isugu jira askar iyo dad rayid ah ayay xooggaga Xamaas qafaasheen.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ee Gaza ayaa cusboonaysiisay tirada dhimashada tan iyo markii duqeyn ay ciidamada Israaiil aka geysteen Qaza waxayna wasaaradu sheegtay inay tiradu gaartey ilaa 370 ruux oo badankood ay yihiin dad rayid ah.

Wasaaraddu waxa kale oo ay sheegtay in ilaa 2,200 oo kale ay ku dhaawacmeen weerarka joogtada ah ee Israaโ€™iil ku hayso Qaza.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken oo la hadlayay CNN ayaa ka hadlay weerarkii ugu weynaa ee ay Israaโ€™iil ku qaadeen maleeshiyaadka Falastiiniyiinta.

Waxa uu sheegay in dowladda Mareykanka ay heshay warar sheegaya in dhowr qof oo Mareykan ah ay ku dhinteen Israaโ€™iil โ€“ iyo in saraakiisha ay isku dayayaan in ay xaqiijiyaan wararkaas.

Waxaa laga cabsi qabaa in iskahorimaadku uu ku fidi karo meelo ka baxsan Gaza waxaana sidoo kale madaafiic is weydaarday Israaโ€™iil iyo ciidamada xisbulaah oo ay Iiraan taageerto halka magaalada Alexandria, laba dalxiisayaal Israaโ€™iili ah lagu toogtay iyada oo ay la socdaan hagayaal Masaari ah.

Koonfurta Israaโ€™iil, rag hubaysan oo Xamaas ah ayaa weli la dagaallamaya ciidammada Israaโ€™iil 24 saacadood ka dib weerarkii shalay.

Weerarka ay Xamaas bilowday subaxnimadii sabtida ayaa ka dhigan duulaankii ugu weynaa uguna dhimashada badnaa ee lagu qaado Israaโ€™iil tan iyo markii Masar iyo Suuriya ay bilaabeen weerar kedis ah oo ay ku doonayaan inay ku soo ceshadaan dhulkii ka lumay dagaalkii Yom Kippur 50 sano ka hor.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More