Toogasho ka dhacday Xarun Ganacsi magaalada Copenhagen dalka Denmark

July 03 (Jowhar.com)-Dhowr ruux ayaa lagu dilay halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday xarun laga dukaameysto oo ku taal caasimadda Denmark ee Copenhagen.

Booliska ayaa sheegay in nin hubeysan uu rasaas ku furay dadkii ku sugnaa xaruntan ganacsi balse ay ciidamadu gacanta ku dhigeen shaqsigii falka ka dambeeyay.

Ninka la tuhunsan yahay ee hubaysan, oo xabsiga ku jira, waa 22 jir Danish ah oo lagu xiray agagaarka suuqa Fields, ayuu yiri kormeeraha boolisska Soren Thomassen, madaxa qaybta hawlgallada boolisska Copenhagen.

“Waxaa jira dhowr qof oo dhaawacmay, waxa aan sidoo kale ognahay hadda inay jiraan dhowr dhintay,” Thomassen ayaa ku sheegay shir jaraa’id, isagoo raaciyay in ujeeddada falka in uu la xiriiro argagixiso aan meesha laga saari karin.”

Waxa uu sheegay in boolisku ay bilaabeen hawl-gal ballaaran oo ay ku baarayaan guud ahaan gobolka Sjælland si ay u ogaadaan in tuhmanuhu uu leeyahay dad gacan-saar la lahaa iyo in kale.

“Ma hayno macluumaad sheegaya in kuwa kale ay ku lug leeyihiin. Tani waa waxa aan hadda ognahay,” ayuu yiri sarkaalka u hadlay booliska.

Xarunta ganaciga ee weerarkan ka dhacay ayaa waxay ku taal duleedka Copenhagen oo ka soo horjeeda khadka tareenka ee isku xidha bartamaha magaalada iyo madaarka caalamiga ah.

Warbaahinta Maxaliga ah ayaa soo bandhigtay Sawiro muujinaya Ciidamo Boolis ah oo aad u hubeysan oo goobta ku sugan iyo sidoo kale dad ka sii cararaya Suuqa.

Heesaaga British Harry Styles ayaa lagu waday inuu qabto 8pm (18:00 GMT) goob bandhig faneedka wax ka yar mayl (1.6km) u jirta suuqa.

Toogashadan ayaa ku soo beegantay todobaad uun ka dib markii nin hubaysan uu rasaas ku furay afaafka hore ee baar ay leeyihiin dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda, oo ku yaala magaalada Oslo ee dalka Norway, halkaasi oo uu ku dilay laba qof 21 kalena ku dhaawacay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More