Uhuru Kenyatta oo booqasho ku tegey dalka Ethiopia

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta oo Axad ah booqasho ku tagay dalka Itoobiya.Waxaa soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali.

Booqashada Uhuru ayaa ku soo beegantay iyadoo Itoobiya ay weli sii waddo la tacaalidda colaadaha hubeysan ee ka aloosan dalkaas tan iyo bishii November 2020-kii.

Ilaa hadda lama shaacin ujeedka booqashada Madaxweynaha dalka Kenya uu ku gaaray Addis Ababa hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in uu Madaxweynaha Kenya uu doonayo inuu kala hadlo dhinacyada isku haya khilaafka dalka Itoobiya sidii wadahadal loogu xalin lahaa dagaalada.

Dagaal ka bilowday sanadkii hore illaa haddana ka socda dalka Itoobiya ayaa waxa ku dhintay kumanaan qof, waxa uu ku qasbay in ka badan laba milyan oo qof in ay ka qaxaan guryahooda,waxana uu sababay in boqolaal kun ay macaluul soo wajahdo.

Dagaalada ayaa ku fiday gobolada ay dariska yihiin ee Canfarta iyo Axmaarada, kuwaas oo khatar ku ah xasiloonida Itoobiya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More