Waa Immisa Miisaaniyad Sanadeedka 2022 ee Maamulka Puntland?

Golaha Wasiirada Maamul Goboleedka Puntland ayaa ansixiyay Miisaaniyad Sanadeedka 2022ka iyadoo ay ka badan tahay miisaaniyad sanadeedka haatan sii dhamaanaya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo todobaadkan lagu ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sanadkan oo dhan $354,039,039.

Kulanka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa sidoo kale lagu ansixiyay Siyaasadda Kaabista Ciidamada dowladda Puntland iyo Xeerka Fayadhowrka Caanaha Xoolaha Puntland.

Shirka Golaha Wasiirada waxaa kale oo looga hadlay Doorashaddii goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomtay degmooyinka Ufeyn , Eyl iyo Qardho, doorashadaasi oo ahayd guul taariikhi ah oo Puntland ku hoggaamisay Soomaaliya inteeda kale, waxaana ka go’an Dowladda Puntland in ay dhameystirto hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda oo dhakhso loo guda galo qabashada Doorashadda goleyaasha deegaanka ee degmooyinka kale ee Puntland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More