Waa kuma Agaasimaha cusub Warfaafinta madaxtooyada ee maanta xilka la wareegay?

May 30 (Jowhar.com)-Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Qaranka Cabdulqaadir Cali Dige ayaa munaasabad ka dhacday Villa Soomaaliya xilka kagala wareegay Agaasimihii hore ee Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Cabdirishiid Maxamed Xaashi.

Agaasimihii hore ee Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirishiid Maxamed Xaashi ayaa ka warbixiyey shaqooyinka muhiimka ah ee Waaxdu ay u qabato Qaranka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka mid tahay haqabtirka baahiyaha xogeed ee Shacabka Soomaaliyeed ee dhanka dowladda, waxa uuna Eebbe uga baryey Agaasimaha cusub in uu u fududeeyo gudashada Mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday.

Dhankiisa,Agaasime Cabdulqaadir Cali Dige ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta Warfaafinta iyo Xiriirika Warbaahinta Madaxtooyada, isaga oo uga mahadceliyey Agaasime Cabdirishiid Maxamed Xaashi shaqadii uu ka soo qabtay Madaxtooyada muddadii uu hayey xilkaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More