Waare “Farmaajo waxa uu yaqaanaa dagaal qofka dadkiisa lagu hor karaamo-tirayo”

Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka haday xeeladaha uu adeegsado Farmaajo, si buu yiri uga aarguto dadka ay siyaasada fikrad ahaan ugu kala duwan yihiin.

Waare oo wareysi siiyay warbaahinta Hanoolaato, ayaa sheegay in Farmaajo uu yaqaanaa dagaal qofka dadkiisa lagu hor karaamo-tirayo,isagoo tusaale u soo qaatay talaabadii ra’iidul wasaare looga hor-istaagay inuu tago xafiiskiisa, taasoo keentay inuu dhowr tilaabo u soo lugeeyo.

“Farmaajo waxa uu yaqaanaa dagaal qofka dadkiisa lagu hor karaamo-tirayo, waxa uu biyaha & korontada ka goystay Guddoomiyihii Baarlamaanka, waxa uu lug ku qasbay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Farmaajo in uu Villada ka baxo iyo in uu ku jiro wax micno ah malah,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabeelle.

Maxamed Cabdi Waare ayaa dhinaca kale ra’iisul wasaaraha dalka uga digay inuusan mar kale ku dhicin dabinka uu u dhigay Farmaajo, uuna ka digtoonaado wadahadalada aan micnaha badan ku fadhin ee garwadeenka ka yihiin wasiirada iyo madaxda maamul goboleedyada ku xian Villa Soomaaliya.

“Waxa aan leeyahay Ra’iisul Wasaare talada gacantaada ku jirto markale ha iska saarin, wasiirada iyo madaxweyne goboleedyada u dhaw madaxweynaha wadahadal lama dhaho waa hoosaasin waana tii badda geliyay tookadii hore,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More