Waare oo shaaciyay inuu iska casilay xilka Madaxweynaha Hirshabelle (Akhriso)

Madaxweynihii Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa goordhow shaaciyay inuu iska casilay xilkii Madaxweynaha, xilli muddo xileedkiisa ahaa mid dhamaaday, isla markaana Hirshabelle ku guda jirto howl lagu soo dooranayo Hoggaan cusub.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay ayuu ku sheegay in si waafaqsan qodobka 52aad ee Dastuurka Kumeel gaarka Hirshabelle uu isku casilay xilkii Madaxweynaha Hirshabelle.

Waare ayaa ka sheekeeyay taariikhda dhismaha Hirshabelle in markii hore uu ahaa mid loo maray dhismihiisa qaab qaldan, iyadoo lagu guda jiro doorashada Federaalka, isla markaana Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle uu ku soo aaday dhismihiisa hadana iyadoo xilli doorasho lagu jiro.

Sidoo kale waxaa uu soo jeediyay in doorashada dib loo dhigo illaa dowladda Federaalka ka dhamaato, si iyadoo la miirqabo looga tashado dhismaha Hirshabelle cusub, lana saxo qaladaadkii hore, si ay u noqoto mid xasilloon oo waarta.

Madaxweyne Waare ayaa nasiib darro ku tilmaamay sidaas wax u dhacaan, isla markaana ay ku qancaan dowladda Federaalka, duubabka dhaqanka, xildhibaanada matala Hirshabelle iyo hoggaanka mucaaradka oo ay qeyb ka yihiin Madaxweynayaashi hore oo horay ka hadli jiray dhibaatooyin ka taagan deegaano kale iyo maamul goboleedyada kale, ayna ka hadli waayaan xaalada Hirshabelle, una arkaan in wado wanaagsan lagu socdo.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka is casilaada Waare:-

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More