Waare;”Alshabaab waxay malaayiin dollar ku bixineysa in xilka laga qaado Cali Jeyte”

Apr. 22 (Jowhar.com)-Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan xasillinta iyo arrimaha rayidka deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab Maxamed Cabdi Waare ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa Twitterka waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha Hirshabelle inuusan xilka ka qaadin Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte.
Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Waare ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Al-Shabaab ay malaayiin dollar ku bixineyso sidii xilka looga qaadi lahaa guddoomiye Cali Jayte Cismaan,hase yeeshee ma cadeyn Maxamed Cabdi Waare cidda ay siineyso lacagtaas ururka Alshabaab.

“Waxaan helnay xog lagu kalsoon yahay oo sheegeysa in Al Shabaab ay malaayiin lacag ah ku bixineyso sidii guddoomiye Cali Jeyte loo bedeli lahaa. Bedelka Guddoomiye Jeyte ayaa ah mid gurmad iyo nasteexo siinaysa Shabaab. Madaxweyne Gudlawe Hussein iska daa Guddoomiye Jeyte!”ayuu ku yiri qoraalkiisa Ergeyga Xasilinta ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Waare.

Baaqan ka soo baxay Ergeyga gaarka ah ee arrimaha xasilinta Maxamed Cabdi Waare ayaa ku soo beegmaya xilli uu khilaaf dhinaca ururinta canshuuraha gobolka Hiiraan uu ka dhexeeyo Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Guddoomiye Jeyte ayaa diiday in dhaqaalaha canshuurta laga ururiyo gobolka Hiiraan lagu wareejiyo qasnada wasaarada Maaliyada Hirshabelle isagoo sheegay in gobolka Hiiraan ay kula jiraan dagaal Alshabaab aysana ahayn xilli dhaqaalaha ka imanaya gobolkaas lagu wareejiyo Maamulka Hirshabelle.

Cali Jayte ayaa door weyn ka soo qaatay howlgalladii gobolka Hiiraan oo jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, kaas oo dhul ballaaran looga qabsaday kooxda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More