Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ku wajahan Baydhabo.

May 31 (Jowhar.com)-Madaxweynaha soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa maanta safar maalmo kooban qaadanaya ku tagaya magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah maamulka Koofur Galbeed.

Socdaalkan ayaa la xiriira sidii uu Xasan Sheekh wadahadalo ula yeelan lahaa C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, sidoo kale madaxweynaha dalka ayaa lagu wadaa inuu xariga ka jaro maaxtooyo cusub oo si casri ah loo dhisay, taasoo dhismeheeda uu soo dhamaaday.

Amniga guud ee magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo la joojiyay dhaqdhaqaaqa gaadiidka, waxaana sugida amaanka iska kaashanaya ciidamada Koofur Galbeed iyo kuwo ka tirsan koofi casta Villa Soomaaliya oo shalay la sii geeyay xarunta gobolka Baay.

Baydhabo waxaa xalay ku hoyday wafdi madaxweynaha hordhac u ah oo uu hoggaaminatay Agaasimaha madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud oo wadahadal kula yeeshay xarunta madaxtooyada madaxweyne Lafta Gareen, waxeyna isla diyaariyeen jadwalka madaxweynaha mudada uu ku sugan yahay xarunta uu haatan ku shaqeeyo Koofur Galbeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More