Wararkii ugu danbeeyay xal hordhac ah oo laga gaaray Khilaafkii Deni iyo Karaash

May 31 (Jowhar.com)- waxaa meel wanaagsan maraya wadahadalo hoose oo u socda madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, iyadoo wadahadalada la doonayo in lagu dhameeyo khilaaf todobaadyadii la soo dhaafay u dhexeeyay labadan mas’uul.

Wadahadalkan waxaa garwadeen ka ahaa xubno kamid ah baarlamaanka Puntland iyo Isimada maamulkaasi, iyadoo wararka sheegayaan inuu jiro xoogaa isu soo dhawaansha ah oo labada dhinac ah.

Waxaa la filayaa in labada mas’uul si fool ka fool ah ay isu soo horfariistaan marka uu maanta Puntland dib ugu soo laabto madaxweyne Deni oo ka imanaya dalka Kenya, wuxuuna safar ugu maqnaa Muqdisho oo uu doorasho uga qeybgalay kadibna magaalada Nairobi, qorshaha ayaa ah inuu Karaash garoonka Garoowe ku soo dhaweeyo madaxweyne Deni.

Deni iyo Karaash waxa uu khilaafkoda ka bilowday arrimo dastuuri ah, wuxuuna Karaash sheegay inuu maamulayo Puntland maadaama Deni deeegaanadooda ka maqan yahay oo uu doorasho madaxweyne doontay,madaxweynaha ayaa arintaasi ku gacan seyray.

Khilaafkooda ayaa cirka sii galay markii Karaash uu sheegay inuu xilalkii ka qaaday wasiirada Maaliyada,Arrimaha gudaha iyo Amniga oo ahaa xubnihii ugu dhawaa Deni, walow arintaasi aysan dhaqan gal noqon, madaxtooyada ayaa iyaduna qaaday talaabo ah iney bogageeda ka joojisay shaqooyinka Axmed Karaash.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More