Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya qarax ka dhacay magaalada Jeddah

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsn qarax ay dad ku dhaawacmeen oo shalay ka dhacay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacudi Carabiya.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa lagu xusayay dagaalkii koowaad ee adduunka, iyadoo ay soo qabanqaabisay safaaradda Faransiiska ee Sucuudiga.

Safaaradaha Faransiiska, Giriigga, Talyaaniga, UK iyo Mareykanka waxay sheegeen in qarax lagu soo tuuray qabuuraha ay ku aasan yihiin dadka aan muslimka aheyn ee Jiddah halkaas oo xuska lagu qabanayay.

Bayaan ay soo saareen ayay ku tilmaameen weerarka in uu ahaa “Mid fuleynimo ah”
Mas’uuliyiinta Sucuudiga waxay xaqiijiyeen in shaqaale ka tirsan qunsuliyadda Giriigga ee

Sucuudiga uu ku dhaawacmay weerarka. Sidoo kale wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qof u dhashay Britain uu isna dhaawac soo gaaray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More