Wararkii u dambeeyay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay.

August 02 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo goordhow ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi laga maqlay degmooyin dhowr ah.

Sida wararka la helayo ay tilmaanayaan, Qaraxa oo ahaa Miino waxa uu ka dhacay inta u dhexeyso isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Masaarida ee degmada Hodan, waxaana lala eegtay ciidamo Milatari ah oo halkaasi marayay, kuwaasoo ka badbaaday weerarkan.

Inta la ogyahay laba qof oo shacab ah oo goobta mareysay ayaa ku geeriyootay qaraxa, lamana soo sheegin khasaare kale oo weerarkan uu sababay.

Ciidamo boolis ah uu watay taliyaha saldhigga Hodan Xuseen Cadceed oo tagay halka qaraxa uu ka dhacay ayaa sameeyay howlgal kooban, iyagoo gacanta kusoo dhiggay dhowr dhalinyara ah oo ay la shakiyeen.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa kordhiyey howlgallada lagu sugayo amniga, haddane waxaa weli dhacaya weeraro kala duwan, sida qaraxyo, dilal iyo dhac ay geysaneyso burcadda ku sugan caasimada, howlgalkii u dambeeyayna waxa uu xalay uun ka dhacay isla degmadan saaka qaraxa ka dhacay ee Hodan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More