Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya oo si weyn ugu dhaliilay Ruto u magacaabida safiir Somaliland

Oct 06 (Jowhar.com)-Xildhibaanka laga soo doorto Waqooyiga Wajeer kana tirsan xisbiga UDA Ibraahim Saney ayaa ku dhaliilay madaxweyne William Ruto u magacaabida safiir maamulka la magac baxay Somaliland.

Ibraahim Saney ayaa ku eedeeyay Ruto go’aanka isagoo sheegay in arrintani ay saameyn xun oo fog ku yeelan doonto xiriirka ay Kenya la leedahay Soomaaliya.

Somaliland, ayuu sheegay in aysan weli aqoonsan Qaramada Midoobay, isla markaana go’aanka uu qaatay Ruto uu ka dhigan yahay inay ku dhawaaqeen inaysan saaxiib la ahayn dalka ay jaarka yihiin ee Soomaaliya.

Waxa uu ka digay in dowlada Soomaaliya ay si adag uga jawaabi karto go’aanka uu qaatay Ruto ayna keeni karto qalqal siyaasadeed.

“Waxaan ka baqayaa in waxa ugu horreeya ee Soomaaliya ay uga jawaabi karto talaabadan uu qaaday Ruto ay noqon doonto in gebi ahaanba la joojiyo Qaadka Miira-ga ee la geeyo Soomaaliya.”ayuu yiri Saney oo wareysi siiyay wargeyska The Star ee dalka Kenya.

“Waxay u arki doonaan arrintan mid meel-ka-dhac ku ah madax-bannaanideeda,” ayuu u sheegay Star.

Saney ayaa sheegay in safiir loo diro gobolka ay la mid tahay in loo aqoonsado maamul ka soo horjeeda sharciga caalamiga ah.

4-tii Oktoobar, Madaxweyne William Ruto ayaa u magacaabay Cabdi Weli Xuseen inuu noqdo safiirka Kenya ee Somaliland.

Saney oo hadalkiisa sii wata ayaa ku dooday in Kenya aysan waxba ka faa’iidi doonin arrintan balse taasi badalkeeda ay u taagan tahay guul darro.

“Waxaan leenahay awood aad u weyn oo aan ku ganacsan karno Soomaaliya…waa dowlad ay tahay in aan taageerno gaar ahaan marka ay ku biireyso EAC, waa mid aan laga faa’ideysan”ayuu yiri Xildhibaanka.

Si kasta ha ahaatee dowlada Soomaaliya ayaan weli wax hadal ah ka soo saarin talaabada uu qaaday Madaxweynaha dalka Kenya ee uu safiir buuxa ugu magacaabay Maamulka Somaliland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More