Wararkii u danbeeyay qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Nov. 26 (Jowhar.com) -Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow qarax xooggan uu ka dhacay nawaaxiga xarunta madaxtooyada ee Villa Somaliya.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay nawaaxiga hoteel lagu magacaabo Villa Rossa oo kudhow xarunta NISA ee godka jilacow.

Jugta qaraxa oo ahaa mid aad u culus ayaa laga maqlay xaafado badan oo magaalada Muqdisho, waxaana xigay rasaas culus oo aan la ogeyn waxay eheyd.

Wali lama ogaan bartilmaameedka saxda ah ee weerarkan, iyadoo isla aagga qaraxan uu ku yaalo guriga Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mukhtaar Rooboow Abui Mansuur.

Waxaa la soo sheegayaa inuu jiro khaaaare ka dhashay qaraxan iyo rsaasta daba socotay, iyadoo xaaladda ay tahay mid aad u cakiran.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More