Wasiirka arrimaha dibadda oo Imaaraatka Carabta kala hadlay caqabadaha ka jiro arrimaha socdaalka.

Nov. 27 (Jowhar.com) Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa magaalada Abu-Dhabi kulan gaar ah kula yeeshay dhigiisa dalka Imaaraatka Carabta H.H.Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan.

Sida wararku sheegayaan, Mudane Abshir Cumar Haruuse ayaa wasiirka arrimaha dibadda Imaaraatka kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal, in la iska kaashado masaalixda ay labada dal wadaagaan ee dhanka ammaanka iyo deganaanshaha gobolka iyo sidoo kale in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo arrimaha socdaalka iyo dalku-galka( Visa) dalka Imaaraatka Carabta oo waayadaan dambe xannibnaa.

” Waxaan kulan miro-dhal ah kula yeeshay Abu-Dhabi Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka aan walaalaha nahay ee Isutagga Imaaraatka Carabta H.H.Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan.Waxaan ka wada hadalay xoojinta xiriirka labada dal iyo inaan iska kaashanno masaalixda ay labada dal wadaagaan ee dhanka ammaanka iyo deganaanshaha gobolka iyo sidoo kale in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo arrimaha socdaalka iyo dalku-galka( Visa) dalka Emaaraadka Carabta oo waayadaan dambe xannibnaa” ayuu yiri Wasiir Haruuse.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ayaa ku ammaanay dowladda Imaaraatka inay taageero joogto ah la garab taagan tahay Soomaaliya iyo shacabkeeda, isagoo u rajeeyay Imaaraadka horumar iyo barwaaqo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More