Wararkii ugu dambeeyay ee banaanbaxyo maanta ka dhacay Beledweyne

Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in xaalada ay degen tahay kadib markii maanta ay dhaceen banaanbaxyo rabshado watay oo ay dad ku dhaawacmeen.

Illaa saddex ruux oo rayid ah ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen banaanbaxyadan kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamada dadkii banaanbaxayay.

Dadkan banaanbaxayay ayaa waxa ay ka soo horjeedeen xarig loo geystey dad shacab ah oo lagu xirey saldhigga booliska magaalada Beledweyne.

Banaanbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin ereyo ka dhan ah maamulka Hirshabeelle waxayna ku dhawaaqayeen Hirshabeelle doonimeyno iyo erayo kale.

Dibad baxayaasha ayaa wadada laamiga ah e eugu weyn magaalada Beledweyne dhigey dhagxaan iyo geedo waaweyn iyagoo diiday isu socodka gaadiidka.

Ciidamada dowlada federalka iyo kuwa AMISOM ayaa shalay iyo maanta ka sameynayay howlgalo xaafado ka mid ah magaalada Beledweyne iyadoo ciidamadaa ay qabqabteen rag lagu tuhunsan yahay inay taageerayaan jabhada uu hoggaamiyo General Xuut.

Banaanbaxyadan rabshadaha wata ayaa waxa ay ka dhacayaan magaalada Beledweyne iyadoo uu ku sugan yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowlada Federalka General Muqtaar Xasan Afrax iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed labaduba ka soo jeeda magaalada Beledweyne.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More