Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Galmudug,Koofurgalbeed iyo Puntland

Mar 5 (Jowhar.com)-  Guddiyada doorashada Galmudug iyo Koofurgalbeed ayaa shaaciyay doorashada 11 kursi oo ka tirsan golaha shacabka.

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa shaaciyay guddiga xulista 5 kursi oo kamid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Gaalkacyo oo horey loo shaaciyey iyo jadwalka qabashada Doorashada.

Dhinaca kale, Guddiga Maamulka Doorashooyinka D/G Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada 6 kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee lagu dooran doono Magaalada Baydhabo deegaan doorashada koowaad ee Dawlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

Wararka kale ee arrimaha doorashooyinka dalka ayaa waxaa kamid ah in magaalada Boosaaso maanta ay ka bilaaban doonto doorashada 16 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More