Wararkii ugu dambeeyay ee xiisada dalka Ukraine

Xiisada ka jirta dalka Ukraine ayaa cirka isku sii shareereysa maalinba maalinta ka dambeysa laga bilaabo markii dowlada Maraykanka ay ku dhawaaqday inay ku soo rogtay dalka Ruushka cunaqabatayn.

Arrimihii ugu dambeeyey ee ka soo cusboonaaday xiisada dalka Ukraine ayaa waxaa ka mid ah;
-Dhammaan dadka reer Ukraine ee ku nool Ruushka oo gaaraya illaa saddex milyan oo oo ruux ayay Ukraine u sheegtay inay isaga baxaan.

-Ukraine waxay sidoo kale u yeertay dhammaan ciidamada kaydka ah ee da’doodu u dhaxayso 18 ilaa 60, waxaana sidoo kale lagu wadaa inay ku dhawaaqdo xaalad degdeg ah oo muddo bil ah.

-Ukraine ayaa sidoo kale lala beegsaday weerar ballaaran oo dhanka internetka ah oo lagu qaaday website-keeda iyo bangiyada dowladda

-Ruushka ayaa lagu soo waramayaa inuu ciidamadiisa ku soo wajahan yahay xuduudka. Waxay faarujisay safaaradii ay ku lahayd Kyiv iyadoo dejisay calankeeda.

-Madaxweyne Vladimir Putin ayaa mar sii horeysay sii daayay khudbad muuqaal ah, isagoo sheegay inuu weli diyaar u yahay wadahadal balse danaha Ruushka uu yahay mid aan gorgortan ka geli karin.

-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay in dunidu ay wajaheyso daqiiqad khatar ah, isaga oo xaaladda Ukraine ku tilmaamay qalalaasaha nabadda iyo ammaanka ee ugu khatarsan caalamka sannadihii u dambeeyay.

-Wadamada reer galbeedka ayaa sii waday ku dhawaaqista cunaqabateynta ka dhanka ah Ruushka.
Midowga Yurub wuxuu ansixiyay xirmo cunaqabateyn ah oo lagu beegsanayo shakhsiyaadka xayiraadda safarka iyo xannibaadda hantida, iyo sidoo kale xayiraadaha awoodda dawladda Ruushka ee helitaanka suuqyada maaliyadeed ee Midowga Yurub.

-Gudaha UK, Ra’iisul Wasaare Boris Johnson ayaa difaacay cunaqabateyntiisa (oo uu ku bartilmaameedsaday saddex bilyaneer oo Ruush ah iyo shan bangi) ka dib markii qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ay sheegeen in aysan meel dheer gaarin. Waxa uu sheegay in UK ay taageero militari oo dheeri ah u diri doonto Ukraine.

=Dhanka kale xoghayaha difaaca ee UK ayaa Putin ku tilmaamay mid si buuxda u socda.
Hay’adda ilaalinta warbaahinta ee Ofcom ayaa dib u eegis ku samayn doonta shatiga baahinta RT – oo hore loo oran jiray Russia Today – ka dib markii ay sheegtay in Putin uu u isticmaalay faafinta warar been abuur ah.

-Celcelis ahaan qiimaha batroolka iyo naaftada ayaa gaaray heerar cusub iyadoo dhibaatadu ay sii socoto inay saameyso qiimaha saliidda.

-Mareykanka ayaa u sheegay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay in duulaanka Ruushka ee Ukraine uu barakici karo ilaa shan milyan oo qof.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More