Wararkii ugu dambeeyay Shaqaaqada Falastiin(Sawiro)

Ciidamada Israel ayaa sii waday maanta duqeynta marinka Gaza iyadoo dhinaca cirka iyo madaafiic ay ku hoobanayaan xarumaha Maamulka Qaza iyo weliba deegaanada ay dadka rayidka ah degen yihiin.

Ugu yaraan 122 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 31 carruur ah, ayaa la dilay in ka badan 900 oo kalena waa la dhaawacay tan iyo markii ay dagaallada qarxeen Isniintii. Boqolaal qoys oo Falastiiniyiin ah ayaa gabaad ka dhigtay iskuulada ay maamusho Qaramada Midoobay ee waqooyiga Gaza si ay uga badbaadaan madaafiicda Israel.

In kasta oo ay jiraan baaqyo caalami ah oo ku aaddan in si deg-deg ah loo joojiyo dagaallada oo dhan, oo uu ku jiro madaxa Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu wuxuu ballan-qaaday in weerarku sii socon doono.

Xamaas ayaa gantaallo kale ku garaacday Israa’iil iyadoo garaacday magaalada Ashkelon saacadihii hore ee Jimcaha.

Ugu yaraan lix Israa’iiliyiin ah iyo hal muwaadin Hindi ah ayaa la dilay. Ciidanka Israa’iil waxay sheegeen in boqolaal gantaal laga soo tuuray Qaza kuwaasoo ku dhacay goobo kala duwan oo Israa’iil ka mid ah.

Dhanka kale, rabshado ayaa ka dhex qarxaya Yuhuuda xoogga lagu dejiyay dhulka Falastiin iyo muwaadiniinta Falastiiniyiinta ee degan Daanta Galbeed.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay ku qiyaaseyso ku dhowaad 10,000 Falastiiniyiin ah inay ka tageen guryo ku yaal Gaza sababo la xiriira dagaalada socda.

Maamulka Biden ayaa waxa uu mar kale ku celiyay inuu ka shaqeynayo sidii loo dejin lahaa xaalada iyo sidii loo heli lahaa nabad waarta oo ka jirta Gaza.

Wiil dhalinyaro ah oo 21-jir ahaa Mohamed Tahhan una dhashay dalka ayaa u dhintay dhaawacyo ka dhashay rasaas ay ciidamada Israel rideen ka dib markii isaga iyo koox dhalinyaro ah isku dayeen inay ka gudbaan xayndaabka amniga ee xadka ay la wadaagaan Israel.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More